Waa maxay Ururka Landsforbundet Mot Stoffmisbruk (LMS)?

 LMS waa urur caawiya qoysaska iyo dadka kale si ay ula qabsadaan marka qof ay daryeelaan qabto dhibaato qabatinka daroogada. hawsheena ugu muhiimsan waa in la siiyo macluumaad iyo hagid taas oo ku salaysan  aqoonta iyo waayo-aragnimada qof ahaaneed.

Maxay ka dhigan tahay in laga ag dhawaado qof qaba qabatiinka daroogada?

 Shaqsigu wuu la kulmi karaa qabatiinka daroogada qoyska dhexdiisa, saaxibada ama asxaabta dhexdooda.

qabatinka daroogada waa mid baahsan dhul ahaan iyo guud ahaan ceegaagta bulshada labadaba.Nolal maalmeedka waxaa inta badan wada baabbi`iya walaac iyo fowdo.

Ma fududa in la ogaado wixii la sameeyn lahaa iyo meesha aad ka raadineeyso talo ama wax qabad marka qof aad daryeesho qabto dhibaato qabatinka daroogada. Waan ognahay in ay adkaan kartaa in aad la hadasho qof oo aad kalahadashaa wax arrintan ku saabsan.

Sidee baan kugu caawinkarnaa annaga oo joogna LMS?

LMS waxaay kugu caawisaa macluumaad, taageero iyo fursad aad kula kulanto dad xaaladdaan oo kale. Waxaan kugu caawineeynaa:

•  macluumaad ku saabsan xuquuqdaada iyo fursadaha adiga kuu gaarka ah
•  Habeeynta dhacdooyinka iyo in aad soo bandhigto fikirkaaga iyo dareenkaaga
•  inaan ku siino talo ku saabsan sidii aad sida uguwanaagsa u ilaalinlahayd baahida caafimaadkaaga.
•  Inaad hesho caawimaad iyo taageero sidii aad ulaqabsanlahayd walwalka laxiriira lanoolaashaha qofka qaba qabatiinka daroogada
•  si aad u hesho khayraadka naftaada ama aga gaarkaaga

Ma jeclaan lahayd inaad qof la hadasho?

 Nala soo xiriir adigoo buuxinaya foomka websitekeenna.Riix halkan

Nala soo xiriir e-mail ahaan, ama u imaaw hadal  xafiisyadeenna kuyaal Tøyen. Labada adeeg waa lacag la’aan. Fadlan sheeg nooca wada hadalka ee aad jeceshahay su`aalo weeydiintaada

Waan arki karnaa cinwaankaaga e-mail,sidaa darteed adeegani ma`ahan mid bixiya magaca qofka

•  Jawaabta wada hadalka: ugu horeeyn waxaan helnaa su`aalo weeydiin aad noogusoodirtay e-mail, taasi oo ka dibna loo diro turjumaad.intaas ka dib waxaan ku heshiinaa waqti laga yaabaa in aad noo imaan kartid si aan wada hadal uyeelano iyadoo uu turjumaan joogo.Adeegani waa lacag la’aan.

•  Jawaabta e-mailka: ugu horreeyn waxaan kaa helnaa su`aaloweeydiin aad noogusoodirtay email.taasi oo ka dibna loo diro turjumaad.kaddib, waxaan qornaa jawaab, taas oo aan turjumaad udirno ka hor inta aan adiga kuusoo dirin halkani qofku wuxuu filan karaa jawaabtu inaay qaadato muddo ah ilaa laba toddobaad . Adeegani waa lacag la’aan.

Macluumaad ku saabsan daroogada

 Waxaa had iyo jeer aanan sahlanayn in la ogaado qabatinka daroogada qof kale. Inta badan,waxyaabaha muujinaya dhibaatada qabatinka daroogada waxaa laga yaabaa in sharaxaad kale ay yeeshaan

waxa kasiman daroogooyinka oo dhan waa in ay saamayn kuyeeshaan niyadda qofka sarkhaansan.isu-duwidda OK yaraata iyo xoogsaarisla’aan ayaa sidoo kale ka mid ah astaamaha qabatinka daroogada.

Tilmaamayaasha waxay ku xiran tahay nooca maandooriyaha, habka nolosha, iyo inta qofku isticmaalaayey daroogada. Inta badan qofku wuxuu arki isbedel ku imaada dhaqanka qofka, isbedelka jirka, iyo dhaqanka bulshada.

Ma fududa in la ogaado waxa la sameeyo iyo meesha aad caawimaad karaadiso markaad qof aad daryeesho uu kujiro dhibaato qabatinka daroogada.

Waan ognahay in ay adkaan kartaa in aad la hadasho qof oo aad kala hadashaa wax arrintan ku saabsan. Haddii aad qabto wax shaki ah, ama aad jeclaan lahayd macluumaad dheeraad ah, fadlan nala soo xidhiidh.

Nala soo xiriir maantaba

Alkoladu waa daawada loogu isticmaalka badanyahay, Norway iyo caalami ahaan labadaba. Alkolo waa magacaga koox daawooyin ah oo kasamaysan waxyaabo kiimiko ah oo iskunooc ah. Walaxda sunta ah ee laga helo qamriga biirka, wineta iyo qamrida culus (liquor) waxaa looyaqaanaa ethanol. Saamaynteedu waxay keentaa daahsanaan waxayna halwgab kadhigtaa systemka neerfaha ee dhexe, laakiin alkolada oo layaraysto waxay leedahay saamayn tartiib ah.

Ethanol waa daawo ay si sharci ah u adeegsankaraa dadka Norway ee kawayn da’da 18 sano. Waa inaad ugu yaraan jirtaa 20 sano si aad ugadato sharaabka alkolada leh oo ay kujirto wax kabadan 22% oo ethanol ah.

Isticmaalka in yar oo alkolo ah badanaa umakeento dadka halisk saa uwayn oo caafimaad. Hase ahaatee, isticmaalka in badan waxay keentaa sarkhaamid, ayna lasocdaan tiro badan oo halis shilal iyo dhaawacyo ah. Alkoladu waxay sidoo kale saamayn kartaa tiro daawooyin ah, iyo sida jirko uga falciyo daawooyinkaan.

Cannabis waa magaca guud ee sadex waxyaabood oo laga sameeyo geedka cannabis: xashiiska, marijuana iyo saliida cannabis. Qaybta shaqaynaysa ee ugu­ muhiimsan waxaa layiraahdaa THC (Tetrahydrocannabinol), taasoo kaladuwan marka lafiirsho soosaarista iyo wax soosaarka. Qaababka ugu badan ee loo cuno cannabis waa sigaar ahaan in loo cabo ama cunitaan. Saamaynta ugu dhaqsiiyaha badan waxaa lagu helaa sigaar ahaan marka loo dhuuqo. Tani waa marka la isticmaalo tuubo, ama waxaa looyaqaan ‘iskugayska’ (sigaar kakooban cannabis, inta badan lagu daray tubaako).

Saamayntada cannabis waxaa looqaybiyaa labo waji. Wajiga koobaad waa gaabanyahay, inta badan wuxuu kutaxaluqaa wadno garaac badan, oomataykoo bata, caajis iyo shaqada maskaxda oo badata. Wajiga labaad wuxu soconkaraa saacado wuxuuna badanaa qusee­yaa shaqo gab, inkastoo shaqada maskaxda ay sarayso. Dadka joogtada u isticmaala wajiga labaad wuxuu uyahay ­mid gaaban. THC waxay unugyo baruur ah ku xirtaa jirka iyo maskaxda. Dadka joogtada u isticmaala tani waxay ukeentaa shaqo gab daba dheeraata iyo niyad jab, jawaabtuna waxay dad badan utahay inay wax badan sii cabaan si ay uhelaan marxalada koobaad ee xaaladaha joogtada ah. Dareen xoog badan oo kuxirnaansho nafsi ah ayaa lagu arki karaa cannabis ka. Si lamida daawooyin kale oo badan, cannabis waxay kuxiran tahay khibrada ­isticmaalaha, waxyaalaha laga filan karo iyo macnaha bulshada.

Dardaroda cannabinoid-yada waa daawooyin dardaro ah oo leh saamayn lamida mida­ cannabis-ka. Waxay kutimaadaa budo/daqiiq ahaan waxaana jira tiro badan oo kaladuwanaansho ah. Waxaa lagu gadaa dukaano badan oo online ah ayagoo adeegsanaaya magacyo sida basbasbaas (spice), sigaar dhaqameed daawo dhaqameed sare. Badanaa waa ladhuuqaa, laakiin waa lacuni karaa waana la  ursankaraa. Sarkhaanku wuxuu koriyaa dareenka iyo heerka saamaynta ee dareeka kacsan, faraxsa­naan iyo awood islawayni ah, lallabo iyo caajis. wax badan lagama yaqaan sida logu sameeyo iyo waxyaalaha ay kasamaysan tahay. Tan ayaa kadhigaysa daawo aan fadhin.

Wadamada qaar, qaad cunidu waxay leedahay shaqo dhaqan iyo bulsho taasoo ay kuleedahay cabida alkolada iyo coffee-gu wadamada reer galbeedka. Qaadku waa inuu cusubyahay, tusale. lasoo gooyay 2-4 maalmood gudahood kahor intaan la isticmaalin si uu uyeesho saamayn sarkhaan leh. Cantoobo qaad ah ayaa laruugaa oo afka lagu hayaa mudo si maadooyinka kujira looga miirto. Maadooyinka cathinone, cathine, iyo norephedrine ayaa kumilma dhiiga ayagoo soo raacaaya xididada dhiiga ee afka, iyo qayb ahaan xiidmaha. Baraxa cathinone ee dhiiga kujira waa midka ugu sareeya labo saacadood kadib marka isticmaaluhu uu bilaabo inuu  ruugo. Caleenta ayaa laruugaa mudo sadex ilaa afar saacadood ah saamayntanu waxaa lagasheegaa inay lamid tahay mida aykeento isticmaalka badan ee caffeine-ta ama qiyaas yar oo ah amphetamines-ta (saamaynta qaadka, hase yeeshee, markasta aad ayay uga yaraanaysaa saamaynta amphetamines-ka). Marka laliqaayo qaadka, jirka wuu kululaadaa, wadnaha aad ayuu ugaraacaa, cadaadiska dhiigana waa kordhaa. Isticmaaluhu wuxuu dareemaa saamayn taasoo sababta dhiifoonaan iyo  farxad. Cunitaanka badan ee qaadka waxuu keenaan indhahoo guduuta iyo ilka xumo kuwaasoo ay keento maadooyinka kujira caleenta. Qaadku wuxuu sababi karaa in isticmaaluhu kabadbadiyo awoodiisa iyo isla waynaan saraysa.

Cocaine waa mid kamida daawooyinka loogu qabatinka badan yahay. Cocaine waxay kutimaadaa budo/daqiiq ahaan. Qaabka ubadan ee loo qaato waa ursasho/sanka laga jiido. Sidoo kale waa laysku duri karaa waana ladhuuqi karaa ayadoo qaruurax ah, sidoo kale loo yaqaan coc­aine-ta qaruuraxa. Saraynta cocaine-tu waa mid daran laakiin waxyar siijira, badanaa 15-60 daqiiqadood. Dhuuqida qaruuraxu waxay keentaa sarkhaan degdeg ah, laakiin durbadiiba waxay biloowdaa inay baaba’do 10 daqiiqo kadib.

Cocaine waa dhaawaca ugu wayn ee wadnaha iyo maskaxda gaara. Astaamaha muuqda waxaa kamida wadna garaac badan, cadaadiska dhiiga oo kaca, neefsasho badan, baahsanaanta ardayga, murqo gariir iyo heerkulka dhiiga oo kaca. Isticmaaluhu wuxu noqdaa midaan nasan, kacsan aadna uwalwalsan asagoo leh dareemo cabsi leh. Daawada waxay sababtaa isla waynaan badan waxayna kadhigtaa isticmaalaha inuu dareemo feejignaan uuna aad usoo jeedo.

LSD badanaa afkaa laga laqaa, waxay badanaa kujirtaa jeex waraaq ah, sonkor,gelatin, ama dareere. Kuurada joogtada ah ee LSD waa 50 ilaa 200 oo micrograms ah. Saamaynada LSD waxay kuxirantahay sababo sida khibrad hore, fikir, biia’da iyo xajmiga kuurada. Saamaynta LSD waxay jirtaa inta udhaxaysa 8 ilaa 14 saacadood. Inta mudadaan lagu jiro LSD waxay sababi kartaa jaha wareer ama mudooyin walwal daran ah. Saamaynada muuqda ee LSD waa yaryihiin waxaana kamida arday baahsan, oomateed yari, lallabo, iyo kor ukac aan badnayn oo cadaadiska dhiiga iyo heerkulka jirka ah. Dulqaad xoogan ama dhamaystiran ee SDL waxay timaadaa sadex ilaa afar maalmood kadib isticmaalka waxayna baaba’daa sadex maalin kadib markaan la isticmaalin.

GHB (gamma-hydroxybutyrate) waxay usamaysantahay qaabka budo/daqiiq ama kabsoolka laakiin Norway dhexdeeda GHB badanaa waxaa lagu gadaa dareere ahaan. Markay dareeraha tahay GHB waxay u egtahay dareere naadiif ama jaale xigeen ah. Xoogaa ayay xunbisaa xoogaana waxay u urtaa sida paraffin ta. Isticmaalayaashu waxay badanaa kuqasaan cabitaanada aashitada leh ama sharaab waayo waxay leedahay dha­dhan xoog badan, kuuradeeduna badanaa waa muga furka dhalada.

GHB waxay keeni kartaa sarkhaamid markaasoo uu isticmaaluhu dareemu baahsanaan sarayntuna waxay dhacdaa badanaa 15-30 daqiiqo kadib. Way adagtahay in laqiyaaso kuurada GHB, sidaa awgeed waxaa looyaqaanaa walax aan fadhin oo leh halis hadii la iska badiyo.”

Benzodiazepines waa daawooyin dhaqaatiirtu qorto laakiin sidoo kale laga helo suuqa sharci darada ah. Benzodiazepines waxay leedahay saamayn daganaan iyo jileec ah iyo murqaha oo dabca. Daawada waxaa loo isticmaalaa ujeedooyin caafimaad si loo daweeyo xaaladaha sida walaaca, isdhaafsanaanta,qalalka, hurdo la’aanta iyo suuxdinta. Daawada aad ayaa loo isticmaalaa, laakiin sidoo kale waxaa jira isticmaal qaldan oo baahsan oo walxahaan ah. Isticmaalka qaldan ee daawada wuxuu inta badan kayimaadaa kaniiniyada wax dajiya oo daawooyin kale lagu daro. Daawooyinka waxay keenaan qaba­tin oo leh saamayno xiriir ah oo joojintooda kayimaada kadib isticmaalka mudo, waana in loo arkaa inay qalad tahay taasoo in daawada laga jaro isticmaalaha ay noqon karto xal.

Androgenic anabolic steroids waxaa loo isticmaalaa qaabka buufinta ama kaniiniyo ahaan. Mararka qaar waxaa loo isticmaalaa kareen ama jeel ahaan jirka la mariyo. Daawada waxaa loo adeegsadaa in murqaha lagu kobciyo ayna isticmaalaan rag iyo dumarba. Dad badan waxay door bidaan inay steroids u isticmaalaan hab meerto ah- tusale. isticmaaluhu wuxuu qaadanayaa kuurooyin kala duwan inta lagu jiro mudo cayiman, mudo ayuu joojiyaa hadana bilaabaa. Isticmaalayaashu waxay badanaa isku qooshaan noocyo kala duwan oo steroids ah qaab loo yaqaan “iskuduubid”. Isticmaalka steroid waxay leedahay tiro waxyeelooyin ah, kuwaasoo qaarkood uu yahay kumeel gaar (la duwi karo) hadaad joojiso isticmaalka steroids-ka, halka kuwo kale ay yihiin joogto. Kibir, finan iyo timaha oo luma ayaa ah waxyeelooyinka ugu badan. Waxaa jira halis ah in cagaarshoow yimaado ayna sababayso biia’da soosaaristeeda oo liidata.

Amphetamine waxay qastaa system-ka dhexe ee neerfayaasha. Waxaa jira boqolaal iskudarro iyo walxo amphetamine ah kuwaasoo ay kasamaysan tahay amphetamine. Waxaa badanaa looyaqaanaa xawaare, makka, pepper iyo suuman. Daawada waxaa inta ugu badan laga liqaa hunguri cadaha, laakiin qaar ayaa daawada iskudura  si ay ay uhelaan saamayn dhaqso ah oo xoogan. Amphetamines kaliya masaameeyaan maskaxda ee laakiin wadnahana way saameeyaan, sanbabada iyo xubno kale ayay saameeyaan. Magacyada  kiimiko ahaan, methamphetamine waxay aad ugu dhawdahay amphetamine saamaynta amphetamine iyo methamphetamine aad ay iskugu egyihiin. Methamphetamine waa la gubaa qiiqeedana waa la ursadaa. Methamphetamine waxay badanaa leedahay saamayn sarkhaanmid oo ka xoogan mida amphetamine ta. Saamaynada daawada waxaa kamida dhiifoonaan, oomati xumo, awood, xanaaq iyo hadal badni. isticmaaluhu badanaa wuxuu kabad­badiyaa awoodooda markay isticmaalayaan daawaduna waxay keentaa dhaawac badan oo wadnaha iyo system-ka seedaha. Shaki badan iyo walaac waa astaamaha ugu badan.

Ecstasy waa kiimiko dardaro ah taasoo ah mid awoodsiin( mid wax­kicisa) iyo qabwayni (psychedelic) intaba ah. Ecstasy waxaa badanaa loo qaataa qaab kaniini ama kabsool ah oo leh midabo iyo iyo astaa­mo kala duwan sida waji dhoolacadaynaaya iyo calaamado nabadeed oo leh naynaaso sida  E, XTC, daawo jacayl, kala tuure etc. maadooyinka shaqaynaaya ee kujira ecstasy badanaa waa MDMA (Methylenedioxymethamphetamine).

(Methylenedioxymethamphetamine). Daawo kusamaysan kaniini ahaan. Way adagtahay duuduub ahaan la sheego awooda kaniiniyada, marka qaadashada MDMA waa qamaar. MDMA waxay keentaa isla sarayn dhib wadata oona qas keenaysa, taasoo mudo dheer jirta kadibna kudhamaata hoos udhac muuqda. Waqti ayay qaadan kartaa intaan iska sarayntu imaan. Waxaa jira halis ah in isticmaaluhu iskabadiyo asagoo sugaaya in isla sarayn uu helo. Isla saraynta ayaa isticmaalaha kadhigta mid dhiifoon oon la loodin karin. Caqabadu waa in aanaan wax badan ka ogayn waxa kujira kaniinka lacunay. MDMA oo aylasocoto shaqo wuxuu sababi karaa dhaawac muuqda oo wadnaha iyo maskaxda ah.

Saamaynta sarkhaanku waxay timaadaa kadib kudhawaad 30 daqiiqo wuxuuna jiri karaa 2-3 saacadood ama kabadan. Dareenka ayaa lakora dareemada farxada, awood korodhay iyo dareenka waqtiga oo yaraaday. Isticmaalka ecstasy waxay keentaa wadna garaac badan, cadaadiska dhiiga oo kaca iyo heerkulka jirka oo kaca. MDMA waxay u egtahay inay saamayn xoogan kuleedahay iskuhayaha serotonin. Serotonin wuxuu muhiim uyahay qaabaynta raaxada, walaaca, dareenka iyo hurdada, waxayna muhiim utahay soo gudbin dareemayaasha.

Opoids waa magaca guud ee tiro walxaha kamida kuwaasoo kayimid geedka opiumka (opiates) ama si gacan kusamaysa loogu sameeyay ayagoo leh saamayn iskumid ah. Saamaynada heroin iyo opoids kale waxay kuxirantahay kuurada, khibraa hore ee isticmaalaha,  biia’da ay ku qaadanayaan iyo sida walaxda loo cuno.

Isticmaalka opuids waxay badanaa keentaa dareen farxadeed ayna lasocdaan isla yaabid la’aan iyo warhaynta ku aadan caqabadah isticmaaluhu waajaho maalinkasta. Marqaanka wuxuu iskbadali karaa escapism halka gaajo, xanuun iyo iyo baahiyaha maalinkasta uusan dan kalahayn. Hase yeeshee, saamaynadu waxay kaloo noqonkaraan nasiino la’aan iyo  daal, ayna lasocdaan lallabo iyo matag. Saamaynta kuurada caadiga ah ee heroin ah waxay badanaa jirtaa 4-6 saacadood, laakiin way kala duwanaan kartaa ayadoo haba xaaladeeda loofiirinaayo. Mudo gaaban kadib, heroin waxaa loo badalaa wax soosaar dhexe kasoo sidoo kale si xaddhaaf ah iskugu badasha morphine jirka dhexdiisa. Daawada waxaa laga ogaan karaa kaadida mudo 3-4 maalmood ah.